Uncategorized

Maxamed Cabdi Waare oo loo magacaabay ku xigeenka xogahayaha guud ee IGAD

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle u magacaabay ku xigeenka xoghayaha guud urur goboleedka IGAD.

Soo jeedinta magacaabidda ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, waxaa gudbiyay wasiirka arrimaha dibbada ee dalka Jabuuti, ahna shir guddoonka golaha wasiiradda IGAD.

Tallaabadan Maxamed Cabdi Waare loogu magacaabay ku xigeenka xoghayaha fulinta ee IGAD, ayaa noqonaysa mid kor u qaadaysa maqaamka Soomaaliya ee gobolka iyo caalamka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys ayaa guul weyn ku tilmaamay magacaabidda ku xigeenka IGAD ee loo magacaabay danjire Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna yiri,

“Guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, magacaabista Maxamed Cabdi Waare ee ku xigeenka xoghayaha fulinta guud ee IGAD waxay sare u qaadaysaa saamaynta Soomaaliya ku leedahay gobolka iyo caalamkaba, taasoo muujinaysa guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah dawladda Faderaalka.”

Ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxamed Abdi Waare ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu ku biiro hoggaanka IGAD.

“Aad baan ugu faraxsanahay magacaabista, u ololaynta, iyo taageerada Xukuumaddayda si aan u gaadho xilkan sharafta leh. Anigoo hadda ka shaqeeya Gobolka oo dhan. Waxaan rajeynayaa inaan hogaamiyo koox ku dadaali doona inay wax ka bedelaan nolosha muwaadiniinteenna xagga Nabada iyo Amniga, Cimilada yaraynta, Gobolka,” ayuu yiri Waare.

Magacaabidda Waare ayaa kusoo beegantay, iyadoo uu socdo shirweynaha urur goboleedka IGAD ee ka socda dalka Jabuuti, halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Wax ka beddel lagu sameeyay qaab dhismeedka IGAD, ayaa Soomaaliya loo ogolaaday inay ku biirto hoggaanka sare ee IGAD.