Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabi
Madaxweyne Deni oo arrimo muhiim ah maanta kala hadlay Michael Nithavrianakis
lay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis.Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland
Sidoo kale kulan dhaxmaray madaxweynaha Puntland iyo safiirka dowladda Ingiriiska ayaa looga hadlay sidii loi dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.
Maamulka Puntland ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii iyagu u heli lahaayeen mashaariicda deegaannadooda loogu tala galay una maamulan lahaayeen, badalkii loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka.